Barlamanka oo su'aalo weydiyay madaxweynaha Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

26 Octobar, 2015(GO)-Barlamanka Puntland ayaa su'aalo weydiyay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ka dib markii uu maanta hortagay Xildhibaanada oo shalay u furmay kalfadhigoodi 36-aad.

Kulanka oo soo xaadireen 49 mudane, ayaa madaxweynaha wax laga weydiiyey xaaladda guud ee Puntland gaar ahaa arrimo ay ka mid ahaayeen;

  1.  Mushahaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda
  2.  Baaqashada kulanka golaha wasiirada Puntland oo qabsoomin ilaa 11 Asbuuc
  3.  Qaybo ka mid ah ballan-qaadyada madaxweyne Gaas oo aan fulin
  4.  Lacagta faalsada ah ee Xukuumaddu daabacday
  5.  Musuq-maasuq lagu sameeyay deeqo ay bixiyeen waddamada taageera Puntland
  6. Jariifka lagu hayo xeebaha Puntland
  7. Cabashada xeerka saxaafadda Puntland

Xildhibaanada  Puntland ayaa shalay u muuqday ku qaba car-car xooggan oo su'aalo badan ku weydiin lahaayeen Madaxweyne Gaas, balse maanta wey ka duwaneyd.

Sideed Xildhibaan oo qura ayaa su'aalo weydiiyay madaxweynaha, waxaana arrintani timi, ka dib markii xalay Guddoonka Barlamanka madaxweynaha u sahlay inuu la kulmo xubno ka tirsan Barlamanka, wuxuuna u sameeyay ballan-qaadyo kala duwan.

  • Mushahaarka ciidamada

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inaysan jirin mushahaar la'aan, balse bixiyaan xuquuqda ciidamada, halka kuwa kale uu tilmaamay in mushahaarkooda u dheeryihiin gunnooyin kale.

Gaas ayaa sheegay ciidamada Barlamanku ka dhawaajiyeen inay muhiim tahay qaabkii lagu ogaan lahaa kadibna tira koob lagu sameeyo, wuxuuna tilmaamay inay heli doonaan xuquuqdooda.

  • Musuq-maamsuq la weydiidayay

Gaas ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin lunsashada hantida qaran, wuxuuna tilmaamay shaqsi ahaan inaysan ka suurtoobayn inuu cafiyo sakhsiyaad lagu eedeeyay falkaasi.Hanti dhawrka ayuu  xusay in looga baahanayahay sidii hawshaasi u baari lahaayeen, hadii kale iyaga lala xisaabtami doono.

  • Lacagta faalsada ah ee la daabacay

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan jirin lacag faalso ah oo ay daabacday Xukuumaddu, balse qaab kasta oo lagu hagaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo sixitaankeeda mas'uuliyad ka saarantahay xukuumadda Puntland.

  • Mashruuc ay bixisay Kuwait oo la musuq-maasuqay

Madaxweynaha oo ka jawaabay su'aal tilmaamtay in la lunsaday lacag loogu tala galay cusbital laga hirgalin lahaa magacalada Bosaso,ayuu sheegay inaysan ahayn hawl xukuumadda la soo marsiisay, balse ay ahayd mid khayri ah oo gacanta loo galiyay shakhsiyaad ganacsato ah.

  • Jariifka Xeebaha Puntland

Gaas ayaa xusay in Xukuumaddiisu wax badan ka qabatay Jariifka xeebaha Puntland, wuxuuna tilmaamay inay jiraan doonyo badan oo la gaanaaxay, balse Puntland awood buuxda u lahayn sidii u ilaalin lahayd dhamman biyaheeda.

  • Xeerka Saxaafadda Puntland

Madaxweynaha ayaa sheegay inay tixgalinayaan dhammaan cabashooyink ay qabaan saxafaadda Puntland, wuxuuna tilmaamay inay haystaan xorriyad buuxda, wixii jirana u xil saarantahay wasaaradda warfaafinta Puntland.

  • Sool, Sanaag iyo Cayn

Hawlo ballaaran ayuu sheegay inay ka wadaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuuna xusay inay hay'adihii ka hawl gali lahaa la siiyay fikiro khaldan, balse ku guda jiraan sidii mashaariic looga sameeyn lahaa deegaanadaasi.

Gaas ayaa tilmaamay inuu tagi doono gobolladaasi, walow uu xusay inay horay u booqdeen qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

FG: Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kama uusan jawaabin su'aal uu weydiyay mid ka mid ah mudanayaasha Barlamanka oo ku qotontay sababta golaha wasiiradda Puntland u kulmi waayeen 11-kii todobaad ee la soo dhaafay.Lamana oga sababta su'aashaasi looga tagay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM