Barlamanka Puntland oo doortay gudoomiye cusub

Image

09 November, 2015(GO)-Xildhibaan Axmed Cali Xaashi, ayaa ku guulaystay doorashada Barlamanka ee ka dhacaysay maglada Garowe, isagoo hogaamiyay labo wareeg oo la galay.

Xaashi, ayaa horay u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka Puntland, waxaana uu helay 41 cod, halka markii hore uu helay 40 cod.

Dhoobo-daareed oo ku soo dhawaa ayaa helay 22 cod, halka uu khasaaray hal cod oo qura.

Axmed Cali Xaashi ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee yeeshaan mudanayaa Barlamanka Puntland, waxaana ninkan si aad ah ugu ololaynayay madaxweyne Gaas oo u arkayay shakhsiga kaliya ee la jaan qaadi kara xukuumadiisa.Waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu bixiyay lacago loo qaybiyay mudanayaasha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM