Barlamanka Puntland oo qodobo ka saarey ajendaha kalfadhiga

Image

Nov 1, 2015 (GO)- Baarlamaanka Puntland o maanta kulan albaabada u xiran ku yeeshey xarunta magaalo madaxda Garowe ayaa cod geliyey qaar ka tirsan qodobada lagaga doodayo kalfadhigooda.

Qodobada laga saarey ajendaha kalfadhigaan ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland olole u galey sidii aan kalfahdigaan loogu soo qaadin  in dib loo eego xiriirka Puntland la leedahay Federaalka iyo daabacista lacagta Shilin Somaliga ah.

Kulankaan oo loo diidey saxaafada ayaa wararka aan heleyno xusayaan in xildhibanaada diidanaa ajendaha lagu daro xiriirka Federalka iyo Puntland heleen 23 xubnood halka kuwa ogol codkoodu gaarey 22 cod.

Qodobka ah in aan ajendaha kalfadhiga lagu darin daabicista lacagta faalsada ayaa waxaa olole xoogan u galey Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland ahna ku-simaha Gudoomiyaha aqalka wakiilada Cabdisalaan Shiikh Cabdisalaan.

Xildhibaan diidey magaciisa ayaa Garowe Online u sheegey in Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka Puntland xaley kulamo la qaatey xildhibaano kuwasoo uu ka raaridey in qodobkaas laga saaro ajendaha.

Xildhibaan Cabdixamiid oo qeyb ka ahaa xubnihii af-gambiga ku ridey gudoomiyihii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire ayaa qayb ka ah mashruuca lagu daabacyo lacagaha faalsada ah isagoo xukuumada Gaas u qaabislan inuu ka difaaco aqalka wakiilada Puntland.

Dhinaca kale waxaa xildhibanaada tageersan xukuumada Gaas damceen in ajendaha laga saaro qodobka dhegaysiga warbixin arrimaha xuquuqda biniaadanimada ku saabsan oo sanadle ah, balse arintaas waxaa la shaaciyey iney dastuuri tahay ina baahenyn in cod loo qaado.

U doodaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa hadal uu ka jeediyey furitaankii kalfadhuga 36aad ee Barlamaka waxey ka careysiisey madaxweyne Gaas oo kulankaas ka qayb galey.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay u sheegey xildhibaano ku dhow in mas'uulkaas yahay mucaarad.

Barlamanka Puntland aya la filaya in maalinta berri ah doorto guddiga doorashada guddoomiyaha Barlamanka Puntland kaasoo xilka laga qaadey kadib markii mooshin ka keeneen xildhibanao gaaraya  40.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM