Barlamanka Puntland oo su'aalo waydiiyey Wasaarada Maaliyada

Image

Sabti, Nov 22,2014 [GO]- Barlamanka Puntland ayaa su'aalo waydiiyey Wasaarada Maaliyada kuwaasoo la xiriirey sababha mushahraadka ciidamada dowlada iyo shaqalaha loo bixin waayey.

Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Farah iyo xubno ka tirsan Agaasinka Wasaarada oo ka jawaabayey su'aalahaan ayaa sheegey in dhaqaalo xumo wadanka foodsaartey sababtey in dowlada bixin wayday mushaharaadka waqtigii loogu tala galay.

Dhinaca kale Wasiirka Maliyada ayaa sheegey in dadaal ugu jiraan sidii dhaqaalaha soo gala dowlada Puntland kor loogu qaadi lahaa isaga oo xusey in bangiga aduunka "World Bank" laga yaabo inuu bixiyo dhaqaale lagu tageerayo shaqaalaha.

Wasiirka ayaa sheegey in isbadal lagu sameeyo Misaaniyada Puntland iyo iyadoo la diwaan galiyo shaqaalaha ay ku xiran in tageeradaas laga helo Bangiga Aduunka.

Wasiirka Maaliyada iyo Agaasinka horyimid Barlamanka Puntland ayaa qirey in mushahraadka iyo kharashaadka kale ee dowlada Wasaarada ku tahay dhib in la bixiyo waqtigii loogu talagaley madaama dakhliga soo gala dakada Bosaso hooseeyo.

Xildhibaanada Barlamanka ayaa dhinac kale codsadey in xukuumada iska laasho misaaniyada madaama aysan ugu dhaqmeyn sidii loogu talagaley.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa safaradii uu ku soo marey wadanka dibadiisa bilihii la soo dhaafey ku faaney in dhamaan ciidamadiisa iyo shaqaalaha qaateen mushahradkoodii islamarkana aysan jirin lacag lagu leeyahay xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM