Beesha Caalamka oo balanqaad u sameysay dowladda Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Beesha Caalamka ayaa ku garab-istaageysa dowlada Puntland sidii ay u hirgelin lahayd hanaanka dimuqraadiyadda, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee TPEC.

War-saxaafadeedka ayaa daba-socday kulan caasimada Kenya ee Nairobi ku dhexmaray gudoomiyaha guddiga iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Wakiiladda ayaa ka kala socday Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya [Somali Stability Fund].

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, is-aragga waxaa la isaga xog-wareystay dedaaladda socda iyo wax-qabadka guddiga sameeyay illaa haatan.

"Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safaaradaga Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund)," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxay labada dhinac iska waraysteen dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021".

"Beesha Caalamku waxay bogaadiyeen dadaaladda socda iyo hormarka la gaaray oo ay ugu horrayso jiritaanka Ururo Siyaasadeed oo tiri iyo tayo ba leh kuwaas oo tartanka gelidoona sannadka dambe," ayay hoosta ka xariiqeen.

Qoraalkan lagu daabacay barta Facebook ee guddiga ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay wax walba oo suuragal ah la garab istaagidoonaan Puntland sidii ay u hirgalin lahayd hannaankaan".

Puntland ayaa isku diyaarineysa in ay ka gudubto hanaanka awood qeybsiga beelaha oo ay kusoo dhaqmeysay tan iyo aas-aaskeeda, waxaana lagu waddaa in doorashooyinka soo aadan ay codadkooda ka dhiibtaan dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM