Bileyska Puntland oo beeniyey war uu faafiyey Tv-ga DFS

Image

GAROWE, Puntland – Taliska Booliska dowladda Puntland ayaa Jimcada maanta ah wuxuu ganafka ku dhuftay war lagu baahiyey ciwaanka mareegga Facebook ee telefishinka ku hadla afka dowladda federaalka Soomaaliya.

Warkaas oo Tv-ga Qaranku daabacay shalay ayaa lagu sheegay in taliyeyaasha ciidamadda bileyska maamulada oo uu ku jiro kan Puntland ay Muqdisho kula shireen guddiyada doorasho ee lagu muransan-yahay.

No photo description available.

Hasa ahaatee, war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Facebook-ga ee taliska booliska dowladda Puntland ayaa "war aan sal iyo raad toona lahayn" ku qeexay warbixinta uu faafiyey telefishinka Qaranka ee SNTV.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen, taliyaha booliska dowladda Puntland, ayaa kaliya asbuucii hore wuxuu caasimadda kaga qeybgalay shir ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ka dhacay Xalane.

"Wey jirtay todobaadkii lasoo dhaafey Taliyihu MUQDISHO inuu uga qeybgalay kullan beesha caalamku garwadeen ka ahayd oo lagu qabtay xerada XALANE kasoo la iskula soo qaaday qorshayaal mustaqbal oo la xiriira amniga doorashooyin,haddey ka dhacaan Dalka," ayaa la raaciyey.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Xaqiiqdii waa nasiib daro weyn in telefishinkii dowladda Soomaaliyeed loo isticmaalo faafinta warar been ah oo siyaasadeed, taasna waxaan shaki ku jirin inay geyaysiinayso kalsooni ka bax iyo hoos u dhac sumcadeed".

"SNTV wuxuu baahiyay sawiro uusan ka dhex muuqan Taliye Cabdi Yare balse lagu been abuurtay magaciisa ka dib markii lagu soo darey qoraalka lagu baahiyay bogga telefishinka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Tv-ga Qaranka oo howlihiisa lagu socod-siiyo canshuurta laga soo qaado shacabka ayaa todobaadyadii dambe si weyn ugu milmay siyaasada dowladda, wuxuuna baahinayaan wararka guddiyadda khilaafka uu ka taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM