Boliiska gobolka Bari oo beeniyay askar la badalayo [Dhagayso]

Image

21 December, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo ahaa in labadalayo ciidanka ilaaliya garoonka diyaaraha degmada Bosaso oo dhawaan xarigga laga jari doono.

Gaashaanle Sare Cabdixakim ayaa sheegay inaysan ahayn wax suurto gal ah, isagoo askartaasi ku ammaanay kalintii ay ka qaateen adkaynta amniga, wuxuuna tilmaamay xilligan inaysan mudnayn badalaad.

"Suuqa barobogaando ayaa lagaliyay, waxaa layiri waa la finishayaa ciiidanka, abaalmarin uga dhigi mayno ciidan intaas kasoo shaqeeyay," Ayuu yiri taliyuhu.

Wuxuu tilmaamay inay maanta gaaray hadaf muddo ku taamayeen, isagoo tilmaamay inay soo qaadanayaan tababar balse labadalayn. Hufnaan, shaqo wanaag iyo karti ayuu ku ammaanay ciidankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM