Booliska Puntland oo ka qayb galay shirka Interpol ee Angola [Dhagayso]

Image

08 November, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Cabdirasaaq Afgaduud, ayaa ka hadlay waxa Booliska Puntland ka faa'iideen xiriirka ay la yeesheen Booliska dowladda Federaalka Somalia.

Afgaduud, ayaa xusay in ciidanka Booliska Puntland u soo socdaan gawaari ka timi dhinaca Federaalka, kuwaasi oo dhawaan imaan doona magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Taliyaha, ayaa tilmaamay xiriirka dhexmaray labada Boolis(Puntland iyo Somalia), inay ka dhaxleen faa'iidooyin badan oo ay ka mid tahay inay xubin ku yeesheen shir ka dhacay Angola, kaasi oo la isugu keenayay Booliska Caalamka(Interpol).

Shirkaasi waxaa Somalia uga qayb galay saddex sarkaal, mid ka mid ahi uu ka socda dhinaca Puntland.

Booliska Puntland, ayaa waayadan dambe u muuqda mid hormar ka samaynay dhinaca tababarada iyo xiriirka kala dhaxeeya Booliiska Somalia, tan iyo markii loo soo magacaabay Cabdirasaaq Afgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM