Bosaso: Barakacayaasha degen INJ oo cabanaya iyo maamulka oo ka hadlay

Image

December 13, 2014 (GO)- Qaar kamid ah barakacayaasha ku dhaqan magaalada  Bosaso oo lasoo xiriiray Radio Garowe ayaa cabasho ka muujiyey amar dhowaan kasoo baxay maamulka dowladda hoose ee degmada.

Amarka ayaa si gaar ah u taabanayey barakacayaasha ku nool xerada INJ oo lagu amray inay muddo sadex maalmood gudahood ah halkaas ku baneeyaan.

Khadiijo Warsame Xirsi oo ah gudoomiye ku-xigeenka kaamka INJ ayaa sheegtay inay ogsoon yihiin in dhulkaas dowladdu leedahay balse aan la siinin waqti ku filan si ay halkaas uga guuraan.

Khadiijo waxay sidoo kale sheegtay in dowladdu siin weydey dhul ay degaan iyadoo xad-gudub ku tilmaantay in khasab lagu raro dad maato ah oon haysanin meel ay gabaad ka dhigtaan.

Dhanka kale ku-xigeenka duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo aan arintan wax ka weydiiney ayaa xaqiijiyey in amarka barkacayaasha la siiyey yahay mid si toos ah uga soo baxay maamulka degmada.

Mar aan wax ka weydiiney sababta dadka loo rarayo wuxuu sheegay in dowladu xilligan xaruntaas baahi gaar ah u qabto.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inuusan jirin qorshe ku aadan sidii dadkaas dib u dejin loogu sameyn lahaa isagoo tilmaamay inay u badan yihiin dad deegaan ah iyo ganacsadeyaal waa sida uu hadalka u dhigaye.

Barakacayaasha ayaa sheegay in maamulku dhegaha ka furaystay cabashadooda loona diiday inay xafiiska duqa u gudbaan, inkastoo arintaas Siciid Cabdiraxmaan waxba kama jiraan ku tilmaamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM