Bosaso: booliska oo hawlgallo wada

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Taliska booliska gobolka Bari ayaa ka warbixiyey hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey magaalada Bosaso laga waday.

Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Bari Axmed Yuusuf Muuse ayaa sheegay in howlgalladu isugu jiraan qabqabashada tuugada; iyo dadka daroogada ka ganacasda  gaar ahaan khamriga iyo la dagaalanka bacaha madow ee baabuurta muraayadaha looga dhejiyo.

Ku dhowaad toban qof oo kuwa dadka moobilada ka furta iyo kuwa daroogada isticmaala isugu jira ayuu taliyuhu sheegay in boolisku ay qabteen dabadeena xabsiga u gudbiyeen kaddib markii maxkamadda gobolka lasii marsiiyey.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ammaanka gobolka Bari gaar ahaan kan magaalada Bosaso uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna digniin adag u diray tuugada iyo daroogiistayaasha isagoo xusay in meel kasta oo ay galaan boolisku kaga daba tegi doono lana soo qaban doono.

Punltand ayaa dhowr mar oo hore mamnuucday bacaha madowga ah ee lagu dhejiyo muraayadaha baabuurta, maadaama la sheegay in dadka geysta falalka ammaan darada ahi ay bacahaas si joogto ah u isticmaalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM