Bosaso: Gaas oo kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

November 29, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Bosaso. Goobaha Madaxweynuhu tegey waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha, xarunta taliska booliska gobolka Bari, xarunta ciidamada nabadgelyada jidadka (Taraafikada)  iyo weliba saldhigga dhexe ee booliska degmada.

Ugu horeyn wuxuu booqday garoonka Bender Qaasim isagoo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda garoonka dhiseysa ee CCECC. Madaxweynuhu wuxuu injineerada hawsha gacanta ku haya ku booriyey inay shaqada si dhaqso ah ku bilaabaan sanad gudihiisna kusoo gaba gabeeyaan.

Mudadii uu garoonka ku sugnaa wuxuu sidoo kale mid mid u kormeeray dhammaan qaybaha uu garoonku ka kooban yahay, gaar ahaan xafiisyada socdaalka, goobaha lagala socdo dhaq dhaqaaqa diyaaradaha iyo weliba cimilada.

Intaas kadib Cabdiweli Gaas wuxuu kormeeray xarunta taliska booliska gobolka Bari, saldhigga dhexe ee booliska degmada iyo weliba xarunta ciidamada nabadgelyada jidadka (Taraafikada).

Ugu dambeyntii wuxuu soo indho indheeyey dhul dowladdu leedahay oo ku yaala inta u dhexeysa saldhigga dhexe ee booliska Bosaso iyo xarunta taliska booliska gobolka Bari, dhulkaas oo cabirkiisu yahay 300m oo labo jibbaaran waxaa xiligan deggen tobanaan qoys oo ku habsadey markii dowladdii militerigu dhacdey.

Gaas oo shalay isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa Bosaso soo gaareen, wuxuu sheegay in muddo todobaad ah uu sii joogi doono una kuur geli doono ammaanka iyo weliba mashaariic horumarineed oo degmada ka socda kuwaasoo dhismaha garoonka diyaaraduhu ugu muhiimsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM