Calanka Somalia oo laga xusey magaalo madaxda Garowe

Image
Image
Image

October 12, 2014 (GO)- Munaasibad lagu xusayo calanka baluuga ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay maanta oo Axad ah xarunta Jaamacadda Bariga Africa Garowe.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ku xigeenkiisa Egn.Camay iyo Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa ka qayb galay xuska calanka Somalia.

Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay calanka sharafta leh ee Somaliya uu mudan yahay in la xuso oo la ixtiraamo dadkii usoo halgamay, wuxuna sheegay inuu ka mid yahay dhaxalka dalka.

''Calanka waxaa sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan, heesta waxaa alifay Xuseen Ow-Faarax waxaana ku luuqeeyay Cabdilaahi Qarshe, marka saddex-daba way geeriyoodeen waana ixtiraamaynaa, laakiin Calanka iyo heesta ay nooga tageen waa dhaxal ka ab ka ab''.

Madaxwaynaha Puntlad Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay maanta inay muhiimad gaar ah u lee daahaya maadama ku beegan tahay 12 October 1954 xiligaasoo la sameeyay calanka baluuga ah ee dhexda ku leh shanta xidig, wuxuna shacabka ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiyaan meesha ay ku arkaan calankaasi.

Muqdisho oo ah xarunta dalka ayaa laga xusaa sanad kasta maanta oo kale iyadoona lagu soo bandhigo taariikhda calanka iyo dadkii halganka usoo galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM