Ciidamada Iran oo weeraray doon burcad badeed ka afduubtey

Image

28 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Badda dalka Iran weerar ku qaadeen koox burcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey degaanka Ceel Huur.

Doontaan oo magaceeda la oran jirey FV Maxamad ayaa waxaa saarnaa 15 Kaluumeysato ah kuwasoo burcad badeed afduubtey la aadey degaanka Ceel Huur oo hoos taga maamulka Galmudug.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley dad degaanka ah ayaa sheegey in doontaan soo weerareen diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwasoo uu suurtagshey iney burcad ka furtaan doontaas.

Ma aysan sheegin khasaarihii halkaas ka dhacey iyadoo warar sheegayaan in weerarkaas la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen ciidamada Badda Iran oo ku sugan biyaha badda Cas.

Doonyaha dalka Iran oo kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Somalia gaar ahana kuwa Puntland ayaa weerarkaan noqonaya kii ugu horeeyey ee dalka Iran ku soo furto dad maxaabiis ah ee ay burcad badeed ka qabsato.

Dalka Iran ayaa waxaa ka jooga Biyaha Badda Cas maraakiib dagaal kuwasoo isha ku haya dagaalka ka socda dalka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM