Ciidamada Puntland oo Al-Shabaab ka qabsadey saldhiga Galgala

Image

Arbaco 1 October,2014 [GO]- Ciidamada amaanka Puntland oo maanta weerar ku qaadey saldhigyada kooxda Al-shabaab ku leedahay buuraleyda Galgala iyo agagaarkoda ayaa wararka laga helayo sheegayaan in laga qabsadey sadhig magaaladaas ay ku lahaayeen.

Wararka hordhac ah oo soo gaaraya warsidaha Garowe online ayaa sheegaya in ciidamada Puntland halkaas gaareen kadib markii dagaal saacado socdey la galeen kooxdaas Al-shabaab oo halkaas ku dhumaaleysata.  

Lama oga khasaaraha dhabta ah balse warar hordhac ayaa dhinaca kale xusaya in ciidamada dowlada Puntland labo Askari ka dhaawacmeen kadib markii gaarigii ay saarnaayeen qarax lala beegsadey, halka sarakaal kale oo ka tirsan ciidamada weeraraka qaadey uu dhintey.

Lama sheegin weli khasaaraha soo gaarey dhinaca kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaleysata deganadaas kuwaaso hab dhaqankoodu yahay ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo iney qaraxyo u dhigaan ciidamada amniga balse aysan la galin dagaal toos ah.

Ciidamada howlgalkaan galey ayaa isugu jirey qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga Puntland sida Daraawiishta, Booliska, cutubyo ka tirsan ciidamada Badda, ciidamada sida gaar ah u tababaran ee la dagaalanka aragagixisada PSF.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo saxaafada kula hadley aqalka madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in dagaalkaan ciidamada dowlada qaadeen qabsadeena goobo ka tirsan buuraha Galgala. Halkan ka daawo 

Kooxda Al-Shabaab oo wayadaan dambe dhaqdhaqaaqyo dhuumaleysi ah ka wadey jidka isku xira magaalada Bosaso iyo Puntland inteeda kale ayaa halkaas ka fuliyey falal argagixiso kuwaasoo ay la beegsanayeen saraakiisha dowlada oo isiticmaasha wadadaas.

Dhinaca kale warar GO ka heley ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in howlgalkaan lagu qaadey kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaleysata buuraleyda xukuumada madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ku cadaadiyeen wadamada Somalia ka caawiya la dagaalanka kooxaha argagixisada ah kuwaasoo in muddo ah u sheegayey khatarta kasoo socota degaankaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo intii uu xilka hayey kooxahaan waxay magaalada Bosaso iyo agagaarkeeda ka fuliyeen weeraro lagu kharaajiyey saraakiil muhiim ah oo ka tirsan ciidamada amniga.

Kooxda Al-shabaab ayaa magaalada Bosaso 4 August,2014 qarax is-miidaamin ah la beegsadey Taliyihii qaybta Booliiska gobolka Barri Marxuum Gaashaanle Sare Cabdi Raxmaan Cali Cabaas (Mulsim).

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona hadalka Madaxweynaha dowlada Puntland siiyey saxaafada goordhow.

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM