Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xiray 27 kalluumaysato oo reer Yemen ah iyo hal Soomaali, kadib markii doonidooda lagu qabtay iyagoo si sharci-darro ah u kalluumaysanaya biyaha Puntland.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa sheegtay in doonta magaceedu yahay "Maimon 1," oo ay leedahay Dowladda Yemen, lagu qabtay xeebta Ras Asir 14-kii May 2025, iyadoo ay jirtay in doontu isticmaashay habka kalluumaysiga ee mamnuuca ah ee loo yaqaan "Hawi," kaasoo ka soo horjeeda xeerarka kalluumaysiga Puntland.

Mas’uuliyiintu waxay intaa ku dareen in doontu aysan wadan wakiil rasmi ah oo Puntland ka diiwaan gashan, taasoo ka hor imaanaysa shuruucda Puntland ee waajibaadka isuduwidda rasmiga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga.

"Arrintani waa jebin cad oo ka dhan ah sharciga kalluumaysiga Puntland. Doonta iyo shaqaalaheeda ma u hoggaansamin nidaamka sharciga iyo xeerarka lagu dhaqmayo," ayay Wasaaradda ku sheegtay bayaan.

Dhowrka kalluumaysato ayaa haatan gacanta ku jira, waxaana la filayaa in toddobaadkan maxkamadda Heerka Koowaad ee Degmada Baargaal la horgeeyo, si looga qaado dacwadaha ku saabsan xadgudubka.

Safaaradda Yemen ee Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa la wargeliyay. Dhanka kale, Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga Badda Carabta ee hoos timaada maamulka Hadhramaut ayaa xaqiijisay in ay la xiriireyso masuuliyiinta Soomaaliya si loo fududeeyo sii deynta kalluumaysatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM