Ciidamo gadoodsan oo fariisin ka samaystay Woqooyiga Garowe

Image

Dec 4,2014 [GO]- Waxaa duleedka waqooyi ee magaalada Garowe shaley galab soo gaarey ciidamo gadoosan oo saldhig ku lahaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafey deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool.

Garowe online oo xiganaysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegey in gadoodka ciidamadan oo saldhig ku lahaa furinta u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay ka dambeyso kadib markii la bixin waayey mushahrkoodii muddo gaareysa 4 bilood iyadoo dhinaca kale laga waayey sida xogtaan tibaaxeyso xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas adeegyadii shidaalka.

Dhinaca kale Ilo madax banaan oo la hadlay Garowe online ayaa sheegaya in subaxnimadii horre ee maanta in ciidanka gadoodsan si xoog ah ugala degeen gadiidka xamuulka ee marayay wadada isku xirta Garowe iyo Laas-caano shidaal ay kaga soo guureen jiida Tuka-raq.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamo gadoodsan oo musharkoodii waayey tan iyo intii ka dambeysay isbedelkii doorashooyinka ka dhacay Puntland horaantii sanadka 2014.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno xubno ku dhow dowlada ayaa sheegaya iney socdaan dhaqdhaqaaqyo dib loogu celinayo ciidamadaan soo baneeyey fariisimadaan muhiimka u ah difaaca Puntland iyadoo la sheegayo in xukuumada Gaas baadigoob ugu jirto xalinta cabashooyinkooda.

Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ku jooga magaalada Bosaso ayaa saxaafada u sheegey dhowaan in kormeer uu ku sameynayo nolosha ciidamada amaanka Puntland ee ku sugan buuraha Galgala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM