Ciidamo Maraykan ah oo ka qayb qaatay hawlgalkii Galgala

Image

October 3, 2014 (GO)- Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka ayaa ka qayb qaatay hawlgalkii labo maalmood kahor Al-shabab looga sifeeyey saldhiggii ugu weynaa ee kooxdaasi ku lahayd buuraleyda Galgala.

Ila wareedyo ka agdhow laamaha ammaanka Puntland  ayaa Garowe Online u xaqiijiyey inay hawlgalka ka qayb qaateen ku dhowaad 50 askari oo Maraykan ah kuna qalabeysan hub culus iyo gawaarida dagaalka ee gaashaaman.

Askarta Maraykanka oo ay horkacayaan saraakiil khibrad sare leh waxay ciidamada Puntland intii uu hawgalku socdey gacan ka siinayeen dhanka sirdoonka, isgaarsiinta, miino baarka iyo istaraatiijiyadda dagaalka.

Waa markii ugu horreysey oo ciidamada Maraykanku si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Puntland kula jirto kooxda Al-shabab oo fariisimo ka samaysatay buuraleyda Golis kadib markii laga saaray deegaano badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaal.

Maraykanka oo qaybo kamid ah ciidamada Puntland si gaar ah u taageera, gaar ahaan ciidamada PSF (Puntland Security Forces), wuxuu xukuumadda Cabdiweli Gaas cadaadis xoogan ku saaray in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, waana sababta xilligan kusoo beegtay hawlgalka laga sameeyey Galgala.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo Maraykanka iyo Puntland ka qabaan in firxadka Al-shabab ee kasoo cararaya Koonfurtu soo gaaro deegaanada Puntland, gaar ahaan buuraleyda Golis oo ah dhul ay gabbaad fiican ka heli karaan.

Laga soo bilaabo markii la diley hogaamiyihii hore ee Al-shabab September 05,2014 waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka Puntland, iyadoo cabsi laga qabo in kooxdaasi weerarro argagixiso ka fuliso gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM