Cumar Cabdirashid oo dadaalo nabadeed kawada Galkacayo

Image

30 Nov, 2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka oo maalintii shaley 29 Nov, 2015 soo gaarey magaalada Galkacayo ayaa kulamo isdaba joog ah la leh madaxda iyo waxgaradka maamulada Puntland iyo Galmudug.

Mudane Cumar cabdirashid oo maanta booqasho ku tagey xaafada maamulka Galmudug ka dagan yihiin magaalada Galkacayo ayaa kulamo la qaatey madaxda degaanlaas isagoo kala hadley qorshyaasha nabada loogu soo dabaalayo xarunta gobolka Mudug.

Kulamadaas kadib warsaxafdeed ay qabateen mas'uuliyiinta maamulkas ayey ku sheegeen iney aqabaleen afar qodob oo uu Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid u soo bandhigey.

1- In colaada la joojiyo islamarkaan wadhadal lagau dhameeyo colaada taagan 2- In ciidamada labada dhinaca la kala qaado 3- in laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa dadka ka qaxey magaalada Galakacyo iyo 4- In dhiso guddi ka kooban dowlada Federaalka, Puntland iyo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Ra'isla wasaare Cumar Cabdirashid ayaa ku guuleystey in maxabiis labada maamul kala haysteen is-weydaarsdaan kuwasoo kala qabsadey isku-dhacyadii ka dhacey magaalada Galkacayo labadii maalmood.

Madaxweynaha Galmudug iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid oo shir jaraa'id wada qabtey kulankaas kadib ayaa sheegey in dhamnkkoda sii daayeen 9 maxbuus oo ay qabteen maamulka 

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in Ra'isal wasare Cumar Cabdirashid kulan kula jiro madaxweynaha Puntland, madaxweynaha Jubaland iyo Islaan Bashiir kuwasoo kawada hadlaya qaabkii loo wajahi lahaa wadahadalo la filayo in maalinta berri ah laga yeesho xaalada ka taagan magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM