Cumar Cabdirashid oo loo magacaabayo Ra'isal wasaaraha Somalia

Image

Dec 13,2014 [ GO]- Warsidaha Garowe Online ayaa xog ku helay in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamud go'aansadey qofka loo magacaabayo xilka Ra'sal wasaaraha Somalia iyadoo la filayo in lagu dhawaaqo 24 saac ee soo socda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia go'aansadey inuu xilkaan u magacaabo Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake oo horey xilkaas u soo qabtey.

Cumar Cabdirashid oo Ra'isal wasaare ka noqdey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif ayaa waqtigaan ah safiirka Dowlada Somalia u fadhiya dalka Mareykanka.

Magacaabista Cumar Cabdirashid ayaa imaaneysa kadib markii xilkaan u tartameen siyaasiyiin kala duwan.

Ra'isal wasaaraha cusub ayaa wararku sheegayaan inuu magaalada Muqdisho soo gaari doono maalinta berri ah iyadoo la filayo inuu saacadaha soo socda kasoo dhoofo dalka Marekanka.

Garowe Online ayaa ogaatey in beesha caalamku Madaxweyne Xasan Sheekh kula talisay magacaabista Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Barlamanka dowlada Federaalka ayaa xilka ka qaadey Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgaley isaga iyo Madaxweynaha.

Garowe Online

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM