Cutubyo ka tirsan Daraawiishta PL oo gaarey Dhahar

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano hoos taga degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Cadaaladda Puntland Maxamed Faarax Canjeex ayaa isagoo degmada Dhahar ku sugan warkan u xaqiijiyey warbaahinta maxalliga ah ee Puntland.

Wasiirku faah faahin kama bixin ujeedada ay ciidanku halkaas u tageen, wuxuuse xusay inay kormeerayaan xaaladda deegaanka muddo kooban kadibna dib ugu noqon doonaan deegaanadii ay horay uga soo ruuqaansadeen.

Warar madax banaan oo GO soo gaarey ayaa sheegaya in sababta Daraawiishta Punltand halkaas u tageen tahay kaddib markii laga war helay dhaq dhaqaaq ciidan oo Somaliland gobolka ka wado.

Dhanka kale, waxaa weli degmada Dhahar ku sugan wafdi ka socda Dowladda Puntland oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlammaanka. Wafdigaas ayaa Dhahar u tegey si ay qayb uga noqdaan dhismaha golaha deegaanka ee Dhahar.

Muddo hadda shan maalmood laga joogo waxaa degmada Dhahar ka dhacay iska hor imaad muddo kooban socdey oo dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxo taageersan maamulka Somaliland.

Dagaalka oo hal qof  ku dhintay labo kalena ku dhaawacmeen, wuxuu bilowday kadib markii kooxo isla dadka deegaanka ka tirsan haseyeeshe taabacsan Somaliland isku dayeen inay fashiliyaan dhismaha golaha deegaanka Dhahar oo todobaadkii hore lasoo gaba gabeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM