Tababar loo furay cutubyo kamid noqonaya kumaandooska Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xerada Ciidamada 54-aad waxaa maanta oo Sabti ah tabarbar loogu furmay cutubyo ku biiraya ciidamada gaarka ah ee komaandooska dawladda Puntland.

Daah-furka tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada, Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Cabdi Samad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Yaasiin Cumar Dheere iyo abaan duulayaasha Ciidamada Dawladda Puntland.

Qaban qaabada daah-furka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ka socotay xerada Ciidamada 54-raad oo ku taala caasimadda Dawladda Puntland ee Garowe.

Ciidamadan Kumaandooska ayaa qaadan doona casharo ay ka mid-yihiin;

1 Wadaniyada
2 Jirdhis
3 Xeeladaha dagaalka
3 Adeegsiga Isgaarsiinta
4 Barashada Aqoonta hubka
5 Garagaarka deg-dega iyo casharo kale oo la xiriira dhanka Ciidamada.

Tababarkan ayaa socon doona saddex bilood, sidda ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Daraawiishta Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland, Xasan Shire Cabdi ayaa ayaa carabka ku adkeeyay in askarta ay si jogoto ah heli doonan gunadooda.

"Anigoo hoggaaminaaya Wasaaradda Maaliyadda waxaan balan qaadaynaa Insha ALLAH in askari walba uu helo xuquuqdiisa mushahar midna ogaada qofna inoo dhexayn maayo," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiis sii wata, Mr Xasan ayaa ku booriyey askarta tababarka loo furay in ay si wanaagsan uga faa'iideystaan daruusta la siin doono.

"Waxaan balan qaadaynaa Insha ALLAH in aanu mashaharka aanu Ciidamada u kordhino oo aan siino wax ku filan waa mid naga go'an," ayuu u hadalkiisu ku daray.

Ugu dambeyntii, madaxda kale ee ka hadashay munaasabada daah-furka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ciidamada ay qeyb ka qaataan guul laga gaaro dagaalka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM