Dowlada Puntland oo ka qayb galaysa shir ka dhacaya London

Image
Image
Image
Image

October 16, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Afhayeenka Gollaha wakiiladda, wasiiro iyo xildhibaano ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha halkaas uu warbaahinta kula hadlay.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay socdaalkiisu inuu ku wajahan yahay magaalada London oo uu kaga qayb gali doono shir looga hadlayo hormarinta Africa oo dalal badani kasoo qayb galayaan, wuxuuna intaas ku daray inuu kusii hormari doono wadanka Itoobiya.

Wasiirka beeraha iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda ayaa safarka Gaas qayb ka ah, wuxuna madaxwaynahu sheegay inay muhiim tahay in Puntland ay hesho hormarin caalami ah iyo iskaashi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya arrimaha shidaalka Puntland inuu kala soo hadli doono shirkado shidaal baarista qaabilsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM