Daacish oo sheegatay qaraxii Boosaaso

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qarax la fashiliyay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo uu ku dhintay qofkii watay oo kaliya.

War lagu baahiyay Wakaalada wararka Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in qaraxa uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay ku dhawaad 10 Askari oo katirsan ciidamada Puntland.

Daacish ayaa sheegtay in qarax miino uu ka dhacay irida Saldhigga Booliska Boosaaso, inkastoo warkaasi ay beeniyeen Saraakiisha amniga oo sheegay inuu ka dhashay gaari-gacan lagu soo xiray walxaha qarxa. Halkan ka akhri.

Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku dhintay ninkii riixayay gaari-gacanka, iyadoo lix qof oo shacab ahna uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, lana dhigay xaruumaha caafimaadka magaalada Boosaaso.

Waa weerarkii afaraad oo Daacish ka fuliso Boosaaso mudo labo sano gudahooda.

Qaraxan ayaa imaanaya afar maalmood kadib markii Daacish weerar ku qaaden Deegaanka Injil ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku dileen labo shacab ah, oo uu ku jiray canug yar, kuwaasi oo aabahood ku eedeeyeen inuu la shaqeeyo dowladda Puntland.

Daacish ayaa kasoo ifbaxday Soomaaliya Oct 2015-kii, kadib markii Koox kasoo goosatay Al shabaab oo uu hogaamiyo Cabdulkadir Muumin, ay uga dhawaaqeen gobolka Bari inay daacad u yihiin Abu Bakar Al Baghdadi.

Kooxda ayaa fuliso weerarkeedii ugu weynaa Oct 2016, markii dagaalyahanadeeda qabsadeen magaaloo xeebeedka Qandala, oo ay maamulayeen mudo 40 maalmood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM