Dagaal beeleed ka dhacay deegaano ku dhow Buuhoodle gobolka Cayn

Image

19 December, 2015(GO)-Dagaal dhaliyay khasaaro nafeed ayaa saaka ka dhacay deegaano katirsan degmada Buuhoodle gobolka Cayn kaasi oo u dhaxeeya labo mallayshiyo beeleed ku dagaallamay deegaan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay, balse xiriiro kala duwan oo aan la samaynay dadka deegaanka, waxay noo sheegeen in dhimashadu marayso 30 ruux dhaawacana kabadanyahay, iyagoo weli labada dhinac helayaan gurmadyo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Garowe Online u sheegay in tiro dhaawacyo ah lasoo gaarsiiyay cusbitalka Buuhoodle. Dagaalka ayaa saaka ka billowday deegaan lagu magacaabo Gaashaamo oo ku taalla xadka Ethopia, halka wararka kale tibaaxayaan in dagaalku ka dhacay deegaan lagu magacaabo Balliya Xasan.

Majirto cid kahadashay dagaalkan oo ku soo beegmay xilli madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ku suganyahay degmada oo u tagay arrimo la xiriira tacsi.

Beelaha dagaallamay ayaa xog ogaallo ku sugan Buuhuudlo u sheegeen Garowe Online in muddooyinkii dambe ka taagnaayeen muran ka dhashay deegaan labada dhinac wada dagaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM