Dagaal ka qarxay Sanaag kadib markii Somaliland duulaan kusoo qaadey

Image

GAROWE, Puntland - Dagaal u dhaxeeya ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah ka qarxay qeybo kamida gobolka Sanaag, oo Puntland ay maamusho.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helay saraakiisha gobolka ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday kadib markii ciidamada maamulka Somaliland, oo ka yimid dhinac Yube ay weerar kusoo qaadeen saakay degmada Hadaaftimo.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan rasaas iyo hubka culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan, iyadoo ciidamada dowladda Puntland ay iska caabiyeen, islamarkaana dib u celiyeen kuwa kusoo duulay.

Khasaaraha labada dhinac iyo dadka shacabka ah, ayaan wali la ogeyn, maadaama ay adag tahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan dagaalka oo la sheegay inuu wali socdo.

Duulaanka ciidamada Somaliland ee Hadaaftimo ayaa imaanaya xilli maalintii shalay uu dagaal ka dhacay degmada Laasqorey oo katirsan isla gobolka Sanaag, kaasoo u dhaxeeyay sida la sheegay ciidamo taabacsan gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada Badhan, oo Somaliland soo magacawday.

Somaliland ayaa mudo sanado ah duulaan ku ahayd degaanada hoos-yimaada Puntland ee gobollada Sool iyo Sanaag, xilli beesha caalamka ay waday dedaallada lagu soo afjaro colaadda gaamurtay ee labada maamul u dhaxaysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM