Daladda PUNSAA oo ka hortimi shirkii Heritage

Image

SABTI, September 20,2014- (GO)- Gudoomiyaha Daladda Ururada aan Dowliga Ahayn ee PUNSAA Nuur Shire Cismaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inuusan waxba kala socon shirkii Khamiistii lasoo dhaafay Machadka Heritage ku qabtay magaalada Garowe.

Shire ayaa sheegay barnaamijkaasi aanu ahayn mid macne badan u xambaarsan shacabka Puntland. 

''aniga maba aaminsani barnaamijkay ka hadlayeen inuu yahay barnaamij wax tar u ah umadda Soomaaliyeed, sababtoo ah dadku maanta Federaaliisimka inay iswaydiiyaan caqliga wanaagsan muujin mayo''.

Gudoomiyaha PUNSAA ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin qabsoomida shirka Heritage oo looga hadlayay nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhaqi karaa nooca uu yahay.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa u fasaxay machadka Heritage inuu magalada Garowe ku qabsado shirkan oo laga qayb galiyay dad gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM