Daladda ururada aan dowliga ahayn PUNSAA oo Barlamanka eedaysay [Dhagayso]

Image

25 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha daladda ururada aan dowliga ahayn ee Puntland Nuur Shire Cusmaan ayaa dhaliilay xiriirka ka dhaxeeya Barlamanka iyo bulshada rayidka ah, mar uu maanta ka hadlay kalfadhiga 36-aad ee golaha wakiillada Puntland oo ka furmay Garowe.

Shire ayaa xusay in gabi ahaan guddiyada Barlamanka aysan is arkin, kana war hayn xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada rayidka, taasina dhalin karto in bulshadu ka hadasho baahiyaheeda.

”Baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah wax xiriir ah oo ka dhaxeeya ma jirto, Dowladda Maraykanka Baarlamaan uma tihiin ee Puntland baan Baarlamaan u tihiin oo bulshadu aad u dayacan tahay waxaa la idinka doonayaan inaad bulshada u tagtaan oo xafiis-yadiina ku qaabishaan, haddii kale bulshadu iyadaa hadlaysa,"Ayuu yiri Gudoomiyaha PUNSAA.

Arrintaasi, waxaa beeniyay Xoghayaha Barlamanka Puntland Cali Dhahar oo sheegay inaysan jirin cid laga xirtay xafiisyo.

Dhanka kale Gudoomiyaha daladda ay ku midaysanyihiin ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA Nuur Shire, ayaa ka hadlay Sawirro dhawaan lagu faafiyay baraha Internet-ka, kuwaasi oo muujinayay  in wax ka badal lagu sameeyay Calanka Somalia, wuxuuna tilmaamay in si dhaw Isha loogu hayo.

Dhaliisha PUNSAA ee Barlamanka ayaa ku soo aadaysa xilli golaha Wakillada Puntland aysan ka hadlin arrimo badan oo ay ka mid tahay lacagta faalsada ah ee xukuumaddu daabacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM