Degmada Bareeda oo gole deegaan loo dhisay

Image

December 15, 2014 (GO)- Gole deegaan oo cusub ayaa maanta loo dhisay degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu.

Xildhibaanada golaha deegaanka Bareeda oo ka kooban 17 xubnood ayaa isla maanta doortay gudoomiyaha degmada iyo weliba ku xigeenkiisa.

Xilka gudoomiyaha waxaa u tartamay labo murashax oo kala ahaa: Siciid Yusuf Diiriye iyo Maxamuud Axmed Caynab.

Guushu waxay raacday gudoomiyaha cusub ee Bareedana loo doortay Siciid Yusuf Diiriye oo isagu helay 9 cod.

Dhanka kale waxaa xilka gudoomiye ku-xigeenka u tartamay Cismaan Cabdi Boqor iyo Siciid Cali, waxaana ku guuleystey Cismaan Boqor.

Waa markii ugu horeysey ee gole deegaan loo dhiso degmada Bareeda oo kamid ah degmooyinka gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM