Degmada Bareeda oo gole deegaan loo sameynayo

Image

December 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa ku hawlan dhismaha goleyaasha deegaanka ee qaar kamid ah dogmooyinka gobolka Gardafuu.

Agaasimaha waaxda masiibooyinka dabiiciga ah ee wasaarada arimaha gudaha Cawil Maxmed Xirsi ( Cawil Buulle ) oo wafdigaas qayb ka ah ayaa Radio Garowe u sheegay in maalinta beri ah degmada Bareedo gole deegaan u sameyn doonaan.

Buule wuxuu sidoo kale sheegay in degmooyinka kale ee harsanna sida ugu dhaqsaha badan maamul loogu sameyn doono.

Mar uu ka hadlayey xaaladaha caafimaad, waxbarasho iyo guud ahaan nolosha deegaanada ay booqdeen, wuxuu sheegay in degmooyinkaasi baahi badan qabaan haseyeeshee baahida caafimaadku ugu muhiimsan tahay.

Golahan cusub oo ka koobnaan doona 17 xubnood wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee degmadaasi abid yeelato.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM