Deni oo eedeeyay dowlada Farmaajo kuna dhawaaqay shir wadatashi

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu ku dhawaaqay shirwayne ka dhici doona magaaladda Garowe.

Saciid Cabdullaahi Deni oo wariyeyaasha la hadlay isagoo ay hareeraha ka joogaan inta badan Golaha Wasiirada ayuu xusay in shirku dhacayo 15-3-2020.

Kulankaas oo ay ka qeyb-gelayaan xubnaha labada aqal ee federaalka ku metela Puntland iyo siyaasiyiinta ayaa looga tashanayaa "xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Soomaaliya iyo Puntland".

Mudaneyaasha Puntland ku metela federaalka ayuu ku booriyey in ay soo gaaraan magaalo madaxda Garowe kahor maalinta shirka.

Dhanka kale, Deni oo weerar afka ah ku qaadey madaxda dowladda Farmaajo ayaa ku eedeeyay "in ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahaayeen maamuladda".

"Wax badan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammaayo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano," ayuu xusay.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay maroor-satay taladda dalka isla markaana isku koobtay go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah.

Gollayaasha fulinta iyo sharci dejinta dowladda Federaalka, ayaa ansixiyey shuruuc muhiim ah, iyaddoo aan laga talagelin maamulada; sidda doorashooyinka iyo batroolka oo kamid ah xeerarka ugu xasaasisan.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya iyadoo Khamiistii shalay, 6-da Janaayo, 2020, Puntland ay gebi ahaanba albaabada u laabtay, illaa iyo amar dambe, xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka ee Garowe.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM