Deni oo ka dagay Boosaaso xilli uu la kulmayo saraakiil Mareykan ah

Image
Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay siddey diyaarad gaar ah ayaa maanta ka degey garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

Inkastoo ay soo dhoweynta warbaahintu dibad joog ka ahayd haddana wararka ay heshay Garowe Online ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo la qaadan doono maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Deni Boosaaso ku qaabili doonaa saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo ay ka wada arrinsan doonaan howlgalka ay Puntland doonayso inay kusoo afmeerto kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Bari iyo Sanaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM