Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo dhaweeyay doorashaddii ka dhacday Kismaayo, oo kusoo baxay Axmed Madoobe, oo markii 3aad shan sano oo cusub loo dhaariyay inuu hogaamiyo Maamulkaas.

Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey, oo inuu u adeego shacabkaJubalanad, kana shaqeeyo amniga iyo arrimaha horumarinta xili dowladda Soomaaliya ay Ciidan geysay Raaskambooni.

Qoraalka Deni ayaa u qornaa sidan:

“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM