Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Image

BOOSAASO - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabtidii shalay ku baaqay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhowro ballanqaadkiisii ahaa in uu furo wadahadal siyaasadeed oo lala yeesho daneeyayaasha muhiimka ah, iyadoo xiisadaha ku saabsan wax ka beddelka dastuurka ay sii kordhayaan.

Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu dhiso wadahadal dhab ah oo midaysan, laakiin uma caddayn inay Puntland ka qaybgali doonto kulanka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee la qorsheeyay in uu ka dhaco Muqdisho bisha May.

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay isbeddelada cusub ee dowladda Federaalka ee ku saabsan dastuurka, isagoo ku baaqay in isbeddeladaas dib loo eego loona rogo, isagoo sidoo kale sheegay in talaabo kasta oo siyaasadeed ay tahay in si dhab ah loo baaro.

"Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inuu bixinayo madal loogu talagalay dadka saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya. Waxaan ugu baaqayaa in uu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa," ayuu yiri Deni. "Puntland waxay horey u soo saartay madal wada-hadal oo loogu yeeray shacabka Soomaaliyeed in ay isugu timaado si loo gaaro xal waara."

Deni ayaa sidoo kale xusay in labada Aqal ee Baarlamaanka ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada qaranka iyo diidmada talaabooyin kasta oo khatar gelin kara isku-duubnida shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa martiqaad u diray hogaamiyeyaasha siyaasadeed—oo ay ku jiraan kuwa mucaaradka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada—si ay uga qaybqaataan kulanka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee ka dhici doona Muqdisho. Ujeedada kulanka ayaa ah in la sameeyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajahayo dagaalka Al-Shabaab iyo in la xoojiyo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya.

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland, iyo madaxweynayaal hore sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo eedeeyay maamulka hadda jira inuu ku xadgudbay qawaaniinta dastuuriga ah, inuu si khaldan u maareeyay diyaarinta doorashooyinka, iyo inuu si keligiis ah uga hawlgalo dagaalka Al-Shabaab.

Golaha Wada-tashiga Qaranka, oo uu guddoomiye ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah hay’adda ugu sareysa ee isku xirka siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb qaataan hogaamiyeyaasha Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo sameeyo siyaasadda qaranka ee ku saabsan amniga, doorashooyinka, iyo isbeddelada maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM