"DF waxay heshay askar badan oo si xun u dhaqmeysa oo warbaahin ah"

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in qoratay dhalinyaro baraha bulshadda ku faafiya dacaayado ka dhan ah hogaamiyeyaasha

Da'yartaas oo uu tilmaamay in ay "sidda askar ah oo kale u howlgalaan" ayuu xusay in ay ka shaqeeyaan "marin-habaabinta fekerka dadweynaha iyo ka shaqeynta fidno".

Dhalintaas oo badankooda ah wariyeyaal ayaa la sheegay in ay gunnooyin joogto ah ka qaataan qaar kamid ah xafiisyada madaxda ugu sareysa waddanka.

"Lacagtii dadka Soomaaliyeed lagu horumarin lahaa, waxaa lagu baabi'iyey arrimo kale oo aan dalka wanaag u ahayn," ayuu Deni ka sheegay shir jaraa'id oo uu Jimcadii ku qabtay Boosaaso.

Beesha Caalamka ayuu tibaaxay "in ay quus taagan yihiin maadaama dhaqaalihii iyo canshuurtii ay kasoo qaadeen dalalkooda looga shaqeynayn arrimo aan horumarin lahayn".

Siyaasiyiinta iyo madaxweyneyaasha maamuladda ayuu ku booriyey in ay ka shaqeeyaan "sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaana loo gaari lahaa heshiis dhab oo aysan cid ku xadgudbi karin".

Isagoo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Puntland ayuu raaciyey "Puntland waxay u baahan tahay dad af ku difaaca".

Saaxiibadda caalamka ayaa dhowaan ku baaqay in ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si heshiis mideysan looga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-21 iyo in ay dib u bilaabaan wadashaqeynta.

Tan iyo markii ay xafiiska timid dowladda Farmaajo 8-dii Febraayo 2017, waxaa aad u xumaadey xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyadda, taasoo shaki gelisay qabsoomida doorasho qof iyo cod.

Dhanka kale, Somaliland ayaa bishii hore waxay ku dhawaaqdey in ay gacanta ku hayso liis ka kooban 30 kuwaasoo isugu jira wariyeyaal iyo xarumo warbaahineed "oo masruuf ka qaata Villa Soomaaliya".

Villa Soomaaliya oo ku guuldareystay hagaajinta ammaanka iyo in dalka laga xoreeyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laaluush siiso warbaahinta si aysan u baahin wararka liddiga ku ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM