"DF waxay heshay askar badan oo si xun u dhaqmeysa oo warbaahin ah"

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in qoratay dhalinyaro baraha bulshadda ku faafiya dacaayado ka dhan ah hogaamiyeyaasha

Da'yartaas oo uu tilmaamay in ay "sidda askar ah oo kale u howlgalaan" ayuu xusay in ay ka shaqeeyaan "marin-habaabinta fekerka dadweynaha iyo ka shaqeynta fidno".

Dhalintaas oo badankooda ah wariyeyaal ayaa la sheegay in ay gunnooyin joogto ah ka qaataan qaar kamid ah xafiisyada madaxda ugu sareysa waddanka.

"Lacagtii dadka Soomaaliyeed lagu horumarin lahaa, waxaa lagu baabi'iyey arrimo kale oo aan dalka wanaag u ahayn," ayuu Deni ka sheegay shir jaraa'id oo uu Jimcadii ku qabtay Boosaaso.

Beesha Caalamka ayuu tibaaxay "in ay quus taagan yihiin maadaama dhaqaalihii iyo canshuurtii ay kasoo qaadeen dalalkooda looga shaqeynayn arrimo aan horumarin lahayn".

Siyaasiyiinta iyo madaxweyneyaasha maamuladda ayuu ku booriyey in ay ka shaqeeyaan "sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaana loo gaari lahaa heshiis dhab oo aysan cid ku xadgudbi karin".

Isagoo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Puntland ayuu raaciyey "Puntland waxay u baahan tahay dad af ku difaaca".

Saaxiibadda caalamka ayaa dhowaan ku baaqay in ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si heshiis mideysan looga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-21 iyo in ay dib u bilaabaan wadashaqeynta.

Tan iyo markii ay xafiiska timid dowladda Farmaajo 8-dii Febraayo 2017, waxaa aad u xumaadey xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyadda, taasoo shaki gelisay qabsoomida doorasho qof iyo cod.

Dhanka kale, Somaliland ayaa bishii hore waxay ku dhawaaqdey in ay gacanta ku hayso liis ka kooban 30 kuwaasoo isugu jira wariyeyaal iyo xarumo warbaahineed "oo masruuf ka qaata Villa Soomaaliya".

Villa Soomaaliya oo ku guuldareystay hagaajinta ammaanka iyo in dalka laga xoreeyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laaluush siiso warbaahinta si aysan u baahin wararka liddiga ku ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM