Dhaawacyo laga keenay Jubaland oo Gaalkacayo lasoo gaarsiiyey

Image

November 9, 2014 (GO)- Agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr. Maxamed Xuseen Aadan ayaa ka warbixiyey xaalada caafimaad ee dhaawacyo Kismaayo laga keenay oo gelinkii hore ee maanta isbitaalka degmada Gaalkacayo lasoo gaarsiiyey.

Dr-ku wuxuu sheegay in dadka dhaawaca ah oo tiradoodu tahay shan qof isuguna jiraan kuwa xaaladoodu halis tahay iyo kuwa qaba dhaawacyo fudud oo jajab u badan.

Agiisumuhu wuxuu intaas ku daray in dhaqaatiirta isbitaalka ka hawlgalaa daryeel caafimaad oo deg deg ah bukaanadaas u fidiyeen , xiliganna xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa horay ugu heshiiyey in bukaanada dhaawacooda wax looga qaban waayo isbitaalada magaalada Kismaayo loosoo qaado dhanka Puntland, gaar ahaan isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Dhowr mar oo sii horeysey ayaa sidan oo kale dad dhaawac ah oo isugu jirey askar iyo rayid oo laga keenay dhanka Jubaland waxaa daryeel caafimaad loogu fidiyey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM