Dhaawacyo laga keenay Jubaland oo Gaalkacayo lasoo gaarsiiyey

Image

November 9, 2014 (GO)- Agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr. Maxamed Xuseen Aadan ayaa ka warbixiyey xaalada caafimaad ee dhaawacyo Kismaayo laga keenay oo gelinkii hore ee maanta isbitaalka degmada Gaalkacayo lasoo gaarsiiyey.

Dr-ku wuxuu sheegay in dadka dhaawaca ah oo tiradoodu tahay shan qof isuguna jiraan kuwa xaaladoodu halis tahay iyo kuwa qaba dhaawacyo fudud oo jajab u badan.

Agiisumuhu wuxuu intaas ku daray in dhaqaatiirta isbitaalka ka hawlgalaa daryeel caafimaad oo deg deg ah bukaanadaas u fidiyeen , xiliganna xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa horay ugu heshiiyey in bukaanada dhaawacooda wax looga qaban waayo isbitaalada magaalada Kismaayo loosoo qaado dhanka Puntland, gaar ahaan isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Dhowr mar oo sii horeysey ayaa sidan oo kale dad dhaawac ah oo isugu jirey askar iyo rayid oo laga keenay dhanka Jubaland waxaa daryeel caafimaad loogu fidiyey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM