Dhagaysiga dacwadda golaha deegaanka Bosaso oo mar kale loo fariistay

Image

14 November, 2015(GO)-Waxaa maanta mar kale loo fariistay dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah dhismaha golaha deegaanka degmada Bosaso xarunta gobolka Bari, oo soo gudbiyeen waxgarad iyo mid ka mid ah ragii u taagnaa jagada duqa degmadaasi.

Qareenka u doodayay dowladda oo kulankii kan ka horeeyay laga codsaday inuu keeno cadaymo la xiiriira difaaca dacwaddan, ayaa soo bandhigay waxyaabo lagu naqdinayo dwacwadda ka dhanka ah golaha deegaanka Bosaso, wuxuuna sheegay in dowladdu labadaasi xubnood u aragtay xalka.

Dhinaca kale qareenka odoyaasha, ayaa xusay inaysan waxba ka jirin waxyaabaha qareenka dowladdu sheegay, wuxuuna tilmaamay inaan sifo sharci ah lagu keenin labada xubnood ee lagu kordhiyay tirada golaha deegaanka degmooyinka A-da loo yaqaano oo Bosaso ka mid tahay, wuxuuna golahaasi ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Cabduqaadir Shekh Axmed Maxamud, ayaa dhagaysiga labada qareen ka dib, waxa uu sheegay inay dhawaan arrintaasi maxkamaddu go'aan ka soo saari doonaan.

Waa markii ugu horeysay kiis gole deegaan ku saabsan la keeno magalada Garowe, waxaana arrintani timi ka dib markii dhawaan magalada Bosaso lagu dhisay golihii degmadaasi, oo mid ka mid ah ragii isu sharaxnaa jagada gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Bosaso ka tanaasulay sababo uu ku tilmaamay musuq maasuq.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM