​Dhibaatooyin haysta beeralayda Godob Jiraan Nugal

Image

GAROWE- Dhibaatooyin xooggan ayaa laga sheegayaa degmada Godob jiraan oo katirsan gobolka Nugal, gaar ahaan arrimo la xiriira beeralayda degmadaas oo caan ku ah wax soo saarka iyadoo beeraha ku yaalla lagu qiyaasay in kabadan boqalaal ku fadhiya cabbir dhan 40 km (Square). 

Dawladii dexe Somalia ka hor ayaa lagu beerijiray Digirta iyo Masagada, hase ahaatee mudooyinkii danbe waxaa lagu soo kordhiyay noocyada kala duwan ee khudaarta, waloow ay ka hor yimaadeen dhibaatooyin laga xusi karo Bacaadka iyo la'aanshaha  qalabkii falashda beeraha. 

Gudoomiyaha iskaashatada beeralayada Godob jiraan Cismaan Xasan Cabdiraxmaan, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa ka waramay dhibka meesha ka jira, wuxuuna tilmaamay inuu fara kulul ku hayo bacaad soo rogmaday xilligii dabaysha kaasoo kaabiga ku haya beertiisa. 

Qaar kamid ah beeralayda oo aan xiriir la samaynay ayaa tilmaamay inaysan helin cid ka caawisa ka hortagga dhibatooyinka soo wajaha waxsoo saarka dhulka iyagoo xusay inaysan helin agab ka caawiya falashada.

Gudoomiyaha degmada Yuusuf Maxamed Faarax, oo cabashada beeralayda wax ka weydiinay ayaa xusay inaysan wax ka qabteen una gudbiyeen Wasaaradda Beeraha Puntland iyo hay'adda FAO.

Balse, Saciido Xuseen Cali, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland oo raacsan hadalka gudomiyaha degmada, ayaa tilmaamtay inay wixii awoodooda ah sameeyeen, laakiin dhibaatada bacaadka kala kaashan doonaan dowladda. Waxa hubanti ah degmadan oo ku taalla bariga gobolka Nugal islamarkaana xeebta dhacda inaysan helin xuquuqdii ay lahayd gaar ahaan dhanka beeraha, waxaa arrintaasi ka marakacaya in cabashadan soo aloosnayd muddo dheer.

Dadka qaybtiis ayaa aaminsan hadii arrinkan dowladdu wax ka qaban inuu saamayn doono nolosha dad badan oo ku tiirsan beeraha, waxayna xaqiijiyeen in goobo badan oo wax soosaar lahaa ciidu ka kormartay. 

Dhinacyada katirsan beeralayda ayaa Wasaaradda Deegaanka iyo hay'adaha deeqaha bixiya ugu baaqay inay ka caawiyaan sidii ay ku heli lahaayen agabka wax lagu fasho iyo kuwo ay isaga guraan baxaadkan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Deegaanka Puntland oo billowday fulinta Xeerka Sahminta Degaanka

Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaadey dhanka horumarka, iyadoo shacabka ay wax badan ka filayaan inay ka faa'idaan qorshaha.

  • Puntland

    07-09-2024

  • 01:04PM

Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo xariga laga jaray

Jidkan ayaa muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

  • Puntland

    03-09-2024

  • 12:27PM