Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Image
Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

GAROWE, Puntland - Kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka ee argigixisada ah si gaar ah garabka ka howlgala Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysa, taas oo ay ugu wacan tahay waxa ay Qaramada Midoobay ku qeexdey "qulqulka dagaalameyaal shisheeye".

Warbixin cusub oo todobaadkan ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaalyahano, ay ku jiraan qaar ka socda wadamada Bariga Dhexe, ay ku biireen kooxda Daacish ee Soomaaliya ayna haatan tiradoodu kasii badaneyso labo jibaar intii ay ahaayeen 600 illaa iyo 700 dagaalyahan.

"Dagaalyahanno ajaanib ah ayaa yimaada Puntland [Soomaaliya] iyagoo isticmaalaya marinnada badda iyo dhulka," ayaa lagu yiri warbixinta, taasoo ku saleysan macluumaadka sirdoonka ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Dagaalameyaasha ajnabiga ah “waxay kordhiyeen oo ay kor u qaadeen awoodda kooxda,” ayaa lagu yiri warbixinta, taas oo xoojineysa joogitaanka IS ee Soomaaliya ee Puntland, iyadoo sidoo kale gacan ka siisay inay dhul ka qabsadaan kooxda argagixisada xiriirka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab.

Ilo-wareedyo sirdoon ayaa ku tilmaamay koritaanka IS-Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland, inuu yahay “isbedel xooggan”, iyagoo dableyda ajnabiga ah ee IS-Soomaaliya ay keentay isbedelkan.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada ajnabiga ah ee IS ay ka kala yimaadeen ugu yaraan lix wadan oo kala ah Syria, Yemen, Ethiopia, Sudan, Morocco iyo Tanzania.

Waxa kale oo ay sheegtay in qaar ka mid ah dagaalyahannada ajaanibka ah ee la qabtay ay sheegeen in ay la shaqaynayeen tababarayaal ka yimid qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Warbixintan cusub ayaa waxay ku qotontaa digniino horay uga soo baxay saraakiil Maraykan iyo Soomaali ah oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika oo VOA u sheegay bishii hore in IS-Soomaaliya ay korortay “laba laab” sannadkii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay qorshahooda 2025 - 2029

Kulankan waxaa guddoomiyay ku xigeenka Gudoomiyaha guddiga Abdinur Sheikh Mohamed Is-hak.

  • Puntland

    25-12-2024

  • 11:37AM

Dhismaha cusub ee Bankiga Puntland laanta Boosaaso oo la daahfuray

Deni ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda Puntland.

  • Puntland

    21-12-2024

  • 01:16PM