Diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland oo shir laga yeeshay

Image
Kulankan waxaa agaasintey Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Daa'uud Maxamed Cumar ayaa kulan la tashi ah la qaatay qaar kamida khuburada sare ee Puntland.

Kulanka waxaa looga wada-hadlay sidii khubaradu talo iyo tusaale ugu biirin-lahaayeen diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland (Puntland Development Pland4) oo dhawaan Wasaaradda Qorsheyntu daah-furtay.

Kulanka oo ay Wasiirka kala qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Ibraahim iyo saraakiil Wasaaradda katirsan waxaa goob-jooga ahaa khubarada kala ah:

1. Dr. Ali Abdullahi Warsame
2. ⁠Prof. Mohamed Said Samatar
3. ⁠Drs Hodan Said Isse
4. ⁠Dr. Ahmed Hassan Mohamed
5. ⁠Dr. Bashiir Sh. Mohamed
6. ⁠Dr. Abdinasir Jamal Warsame
7. ⁠Dr. Abdi Mohamed Dahir
8. ⁠Dr. Jama Warsame
9. ⁠Dr. Abdikarin Abdi Buux

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta waxaa ka go'an tayeynta diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, waxayna fursad siinayaan cid walba cilmi, caqli iyo taloba ku dari karta horu-socodka hayaankeena dawladnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM