Barnaamijka D. Wadaag oo shaqaalaha rayidka looga hadlay

Image

Sept 27, 2014 (GO)- Barnaamika Doodwadaag oo Jimce kasta ka baxa Radio Garowe ayaa todobaadkan looga hadlay dib u habaynta shaqaalaha rayidka lagu samaynayo iyo qaabka loo shaqaalaysiiyo dadka shaqao doonka ah.

Barnaamijka oo Weriye Axmed Cawil Jaawac uusoo diyaariyey waxaa lagu marti qaaday Agaasimaha Hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Shabac, Agaasime ku xigeenkii hore ee shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, iyo Cabdikariin Xuseen Xasan oo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah.

Mustafe Shabac ayaa sheegay Hay'adda Shaqaalaha Rayidka Puntland inay u xil saaran tahay tayaynta shaqaalaha rayidka ah iyo qorista shaqalaha, wuxuuna intaas raaciyay inay wadaan barnaamij ay dib ugu habaynayaan shaqaalaha raydika ah.

Jaamac Xirsi Faarax ayaa dhankiisa soo dhaweeyay tartanka loo galaya shaqooyinka dowladda ka banaan, wuxuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta iyo tiradda shaqalaha.

Barnaamijka Doodwadaag sidoo kale waxaa ka qayb galay qaar kamid ah dhallinyaradda jaamacadaha kasoo baxay oo tartan u galay shaqooyin ay soo dhajisay wasaradda deegaanku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM