Dooni sidey 45 qof oo lagu la'yahay inta u dhexeysa Yemen iyo Somalia

Image

October 8, 2014 (GO)- Maalintii sideedaad waxaa badda u dhexeysa dalalka Somalia iyo Yemen lagu la'yahay  doon yar oo kuwa tahriibka qaada ah kana baxday xeebaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Doonta oo Arbacadii lasoo dhaafay ka shiraacatay deegaanka Mareero ee magaalada Boosaaso bariga kaga beegan, waxaa la socdey 45 qof  oo isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan inkastoo badankoodu Itoobiyaan ahaayeen.

Doonta waxaa loo badinayaa inay degtey dhammaan dadkii la socdayna dhinteen maadaama todobaadkan iyo kii ka horeeyeyba dabaylo xoogan oo roob wataa ay badda cas ka da'ayeen.

Hooyo Khayro Cali Maxamuud (Wad Wad) oo dhashay labo wiil oo kamid ah dadkii doontaas raacay ayaa Garowe Online u sheegtay in wiilasheedu kusii jedeen Yemen iyagoo uga sii gudbi lahaa dalka Cumaan.

Khayro waxay intaas raacisay in loosoo sheegay labo nin oo naakhuudayaal ka ahaa doontaasi inay dabbaal ku tageen xeebta mukalla ee dalka Yemen, taasina cadeyn u tahay in dhammaan dadkii kale ee doontaas la socdey badda ku qariqmeen.

Heerka tahriibku sanadkii hore ee 2013 si aad ah ayuu hoos ugu dhacay, inkastoo sanadkan ay korortay tirada dadka tahriib doonka ah ee Boosaaso soo gaaraya iyo weliba doomaha tahriibka qaada ee ka baxa xeebaha ku dhow magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM