Puntland: Doonyo Kalumaysi sharci daro ah oo la soo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image

17 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo bandhigay lix Doonyo sharci daro ah iyo dadkii saarnaa oo kor u dhaafayay boqol qof, kuwaasi oo lagu soo qabtay hawgallo ciidanka Badda Puntland ka sameeyeen xeebaha.

Doonyaha ayaa laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran oo inta badan si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Puntland.

Taliyaha ciidanka Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa saxaafadda uga waramay hawgalka lagu soo qabtay Doonyahan, wuxuuna xusay inaysan haysan sharci u ogolaanaya ka Jillaabashada Biyaha Puntland.

Cabdirasaaq ayaa sidoo kale sheegay in sharciga la tiigsan doonaan Doonyaha oo saddex ka mid ah laga leeyahay Iran halka saddex kale yihiin Yemenayiin.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan cabasho xooggan oo ka imaanaysa Kalluumaysatada Puntland, waxaan wadarta Doonyaha sannadka la soo qabtay gaarayaan Sagaal.

Ciidamada Badda Puntland ayaa soo qabta gadiidkaan sharci darada ah balse xukuumada madaxweyne Gaas ayaa sii deysa kadib markii dadka Somalida ah oo keena doonyahaan xeebaha Puntland bixiyaan lacago farabadan kuwasoo lagu tilmaamo ganaax.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM