Dowlada Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Amiirkii waddanka Kuwait

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigtay in ay murugada la wadaageyso qoyska iyo asxaabta amiirkii waddanka Kuwait ee shalay ku geeriyooday magaala madaxda dalkaas Carbeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni diray tacsida.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheekh Sabaax oo horey u soo noqdey ra'iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo yaqiinay "hormuudka diblumasiyada Carabta".

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed," ayaa la raaciyey qoraalka.
Sheekh Nawaf Al Axmed Al Sabaax oo ah 83-jir horey u soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha ayaa loo dhaarinayaa jagadaas.

"Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku," ayaa lagu soo xiray.

Boqortooyadda Kuwait oo kaalin dhex-dhexaadin ah ka cayaartay murano badan oo dalalka Khaliijka soo kaa dhex-galay sidda xulafadda Sacuudiga iyo Qadar ayaa in ka badan 200 sano waxaa xilka ugu sareeya haya qoyska Al Sabaax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM