Dowladda Puntland oo cambaareysey dilka Weriye Silver

Image

November 19, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaareysey dilka Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo xalay dabley hubeysan oon weli haybtooda la aqoonsani ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacayo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in dowladdu ka xun tahay islamarkaana si kulul u cambaareynayso dilkii xaq darada ahaa ee loo geystey Weriye Silver.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu tacsi u diray dhamaan bahda saxaafadda isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay isagana Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

Saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka gobolka Mudug ayaa sheegay inuu socdo hawlgal ballaaran oo lagu raad goobayo kuwii geystey dilka.

AHN Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo noqonaya weriyihii shanaad ee magaalada Gaalkacayo lagu dilo waxaa maanta lagu aasay isla magaalada Gaalkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM