Dowladda Puntland oo gurmad gaarsiisay Gobolka Gardafuu

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo kale ay bilow u tahay duulimaadyo todobaadkan gurmad gaarsiin doona dadka Gobolka Gardafuu.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM