Xirfadlayaal soo bandhigay Sawirro iyo Farshaxan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

14 November, 2015(GO)-Munaasabad lagu soo bandhigayay xirfadda sawir-qaadayaasha iyo sawir-gacmeedka ayaa 12 November 2015,  lagu qabtay magalada Garowe caasumadda Puntland.

Bandhigan oo ahaa noociisa kii ugu horeeyay oo lagu qabto Puntland, waxaa kasoo qayb galay madaxda ururka suxufiyiinta MAP, saraakiil ka socday wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, wasiirka haweenka xubno laga caasumay Hay'addaha caalamiga ah, wariyaal iyo marti sharaf kale oo ragg iyo dumar isagu jiray.

Munaasabadan oo si tijaabo ah loo qabtay, waxaa ka hadashay Balziiqa Cabdirisaaq Abshir oo soo abaabushay bandhigga, ayaa sababta ku dhalisay ku sheegtay inay ahayd baahi muuqatey oo u baahnayd in mar qura xirfadlayda sawiradda ay taageerayaashooda la wadaagaan shaqadooda, waxayna tilmaamtay inay  xigi doonaan xaflado kale.

Wariyaasha kala ah Cali Cabdi Ducale, Maxamed Daahir Caynsane iyo Maxamed Salaad Dirir ayaa goobta kusoo bandhigay sawirro dadka iyo deegaanka ka qaadeen kuwaasoo dadkii usoo daawasho tagay aad ula dhaceen qaabka sawirradda loo qaaday.

Layla Cabdilaahi Cali (Xiis) ayaa munaasibaddan kusoo bandhigtey xirfadeeda farshaxan-nimo iyo sawir gacmeedyo ay sameysay waxyana tilmaamtey inay muhiim tahay in dib loosoo celiyo farshaxankii gacanta si dhalinyrada ugu dhiirtaan inay hibooyinkooda gaarka ah lasoo shir tagaan.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland (MAP) Mudane Faysal Khaliif Barre oo munaasibadda ka hadlay ayaa marka hore boggaadiyay munaasibadda Puntland Art Fair oo uu ku sheegay inay tahay arrin aad loogu baahnaa, wuxuna sheegay in kulamadaan oo kale MAP dhiirigalinayso balse intaa laga sii balaariyo, Barre waxa uu hadalkiisa raaciyay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed iyo adduun-waynaha loosoo bandhigo awooda sawir qaadayaasha Soomaalida lee yihiin.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin iyo masuuliyiintii munaasibada kasoo qayb galay oo hadlay ayaa isku raacay bandhiggii xalay inuu ahaa mid cajiib ah oo muujinaysa kartida ah in dhalinyaraddu soo bandhigi karaan xirfadooda, Anisa Hajji ayaa boggaadisay farshaxanka Layla Xiis iyo Sawir-qaadayasha sawiradooda, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la taageero si heerkan mid kasii saraysa u gaaraan.

Ugu denbayntii Gudoomiyaha MAP,wasiirka Haweenka, xidlhibaan Cabdiqaadir Sheybo, iyo madaxa Imtixaanadka wasaradda waxbarashada Axmed Saahid oo munaasibada kasoo qayb galay ayaa shihaadooyin ay MAP soo diyaarisay gudoon siiyay wariyaashii iyo dadkii xaflada soo abaabulay.

Maxamed Daahir Caynsane oo ku hadlayay afka sawir-qaadayasha Puntland ayaa ka mahad celiyay taageerada loo muujiyay Puntland Art Fair waxa kale uu cadeeyay inay mar kasta ka go'an tahay in caalamak la tuso quruxda iyo wanaaga dhulkeena hooyo ee Soomaaliya ka muuqata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM