Dowladda Puntland oo xayiraad kusoo rogtay doonyaha kalluumeysiga

Image

GAROWE, Puntland – Kadib shir ay yeesheen Golaha Wasiirada, dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqdey in ay muddo bil ah joojisay doonyaha kalluumeysiga ee yimaada dekadaha.

Cali Xasan Axmed [Sabarey], wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa xaqiijiyey in xayiraada aysan saameyn doonin marsada Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna magaala madaxda ganacsiga.

Mr Sabarey oo hadalkiia sii wata ayaa tilmaamay in go'aankaan uu la xiriiro ka hortagida caabuqa sidda degdeg ah u faafa ee loo yaqaano Coronavirus.

Xubnaha xukuumadda oo fiidkii xalay uu shirka u godoomiyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayuu xusay in ay si wadajir ah iskugu raaceen.

Inta badan doonyaha kalluumeysiga u tega dekadaha Puntland ayaa kaluun ka iibsaday shirkadaha waddaniga ah, waxayna badankooda ka yimaada Iran, oo cudurka laga xaqiijiyey.

Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in la diyaariyey qorsheyaal looga hortagayo cudurka dilaaga ah hadii uu soo gaaro degaanada Puntland, wallow uu ALLE ka rajeeyay in uusan dhicin.

Cudurkaan kasoo bilowday Shiinaha isla markaana ku faafay in ka badan 90 dal ayaa galaaftay 100-kun oo ruux. Puntland waxay ku jirtaa maamulada hirgeliyey dedaalada looga hortagayo xunuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM