Duqeymo Imaaraadka fuliyay oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Image

BOOSAASO - In ka badan 12 xubnood oo ka tirsan kooxda ISIS/Daacish, oo ay ku jiraan hogaamiyeyaa sare, ayaa lagu dilay labo duqeyn oo ka dhacday gobolka Bari, Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Duqeynta hore ayaa ka dhacday godadka Xankookib ee ku dhow Dhasan, waxaana duqeyntaasi lagu burburiyey bakhaar hub oo Daacish lahayd iyo gaadiid, iyadoo la dilay xubno dhowr ah, sida uu sheegay Cutubka La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Puntland.

Duqeynta ayaa sidoo kale burburisay gaadiid loo adeegsaday in lagu qaado weerarada, iyadoo la sheegay in howlgalkan uu ka dhacay iyadoo Puntland ay la kaashanayso Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE).

Sidoo kale, Duqeynta labaad ayaa ka dhacday deegaanka Darar-Madoobe ee buuraleyda Calmiskaad, taasoo burburisay gaadiid xambaarsanaa hubka iyo qalab kale oo ay ISIS u adeegsan jirtay dagaalka.

Duqeynta labaad ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanku sidoo kale duqeyn ka fuliyay isla buurahaas ee Calmiskaad 1-dii bishan, taasoo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan ISIS, oo ay ku jireen hogaamiye sare iyo qorsheyn jiray weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo Yurub.

Sarkaalka la dilay oo Axmed Milaniini lagu magacaabi jiray ayaa sidoo kale loo haystay qorista dagaalyahanno ajnabi ah oo ka qeyb qaata weerarada Argagixisada. Duqeyntan ayaa sidoo kale muujinaysa dadaalka joogtada ah ee ka dhanka ah ISIS ee ka socda gobolka Bari, ee Puntland oo dowlad iyo shacab isku kaashanayaan sidii Daacish looga sifeyn lahaa buuraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM