Duqeyn lala eegtay maleyshiyaad ku dhuumaaleysaneysay buuraleeyda gobolka Bari

Image
Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay Togga Gaalakeen iyo deegaanka Hoobato ee buuraleeyda gobolka Bari.

Aagan ayaa waxay caan ku tahay in ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxaha nabaddiidka ah ee ay baadi goobayaan ciidanka difaaca Puntland.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa waxay xuseen in ay sii wadi doonaan howgalladaan inta kooxahaan laga sifayn doono buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM