Farole oo ka hadlay mashruuca lagu dhisayo garoonka Garowe [Dhagayso]

Image

26 December, 2015(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta ka hadlay mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaraha Garowe kaasoo uu ka qayb galay dhagax dhigiisa.

Farole, ayaa sheegay mashruucan inuu qayb ka ahaa deeqdii lagu dhisay wadda laamiga ee isku xirta Garowe iyo Bosaso, taasoo uu sheegay inay la socdeen qandaraasyo lagu dhisi lahaa labada Airport ee Garowe iyo Bosaso, Dekedda magala xeebeedka ganacsiga Puntland, waxaana hawshaasi oo la dhammayn dhacday dowladda Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu tilmaamay inay jireen dad iskaashaday oo qayb ka qaatay dhismaha garoonka Garowe, maadama mashruucaasi uusan hirgalin, isagoo xusay in mas'uuliyiin uu qayb ka yahay u taqeen qaar kamid ah waddamada Carabta si ay u soo weydiistaan deeqdii lagu dhisi lahaa garoomadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay jireen mas'uuliyiin xilaal ka hayay dowladda Somalia kuwaaso oo is-hortaag ku sameeyay mashruucan, balse dadaallo ay galeen kadib guulaysteen.

Farole, ayaa u mahadceliyay waddanka Kwait iyo saraakiil gacan ka gasytay in mashruucan la siiyo Puntland, wuxuuna xusay in baahi samaynta garoomada maadama la isticmaalay Canoco oo masaafo fog u jira Caasumadda.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa xukuumadda Madaxweyne Gaas ku tilmaamay inay leedahay nasiib , maadama ay dhagax dhigayaan mashaariic ay keentay xukuumaddi hore, wuxuuna ku kaftamay inay jeclaan lahaayeen dhagax dhigeeda.

Dowladdii Farole ayaa sahashay in Puntland deeqo badan lasiiyo kadib markii ay wanaajisay xiriirka kala dhaxeeya waddamada caalamka, waxaana xukuumadda hadda joogta kuguda jirtaa qaabkii loo dhamaystiri lahaa mashaariicdii ay soo dhiraan dhirisay islamarkaana saxiixday dowladdii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM